Ciidamada Xabashida Itoobiya ee maalma ka hor qabsaday degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa dhibaata xooggan ku haya shacabka ku dhaqan degmadaasi.
Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in kumanaan ciidamo Xabashi ah ay
gudaha ugaleen Cadaado iyagoona lawareegay garoonka diyaaradaha macmalka
degmadaasi.
Saraakiil katirsan ciidanka Itoobiya ayaa maamulka Ximan iyo Xeeb isku
magacaabay ku wargeliyay in si KMG ah ay gacanta ugu heyn doonaan magaalada.
Goob jooge ku sugan degmada Cadaado ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidamada
Itoobiya ay saldhigyo ka sameysteen gudaha degmada iyo hareeraheeda.
Cadaado oo sanadadii lasoo dhaafay uu kajiray maamul deegaanka ah ayaa hadda
xarun u noqonaysa siyaasiyiin dabadhilifyo ah iyo maamul Itoobiya qorshihiisa
wadato.
Xasan Gurguurte hoggaamiyaha Dowladda Federaalka ayaa tegaya Cadaado waxaana
lafilayaa in uu furo shirka loogu magac daray maamul usameynta gobollada dhexe.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo isku Fidiyay Degmada Cadaado iyo Shacabka oo Cabasho Muujiyay.
Ciidamada Xabashida Itoobiya ee maalma ka hor qabsaday degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa dhibaata xooggan ku haya shacabka ku dhaqan degmadaasi.