Dagaal Ooge Xiftar oo Urdun Weydiistay in laga Caawiyo Dagaalka ka Dhanka ah Islaamiyiinta Liibiya.

Tuesday April 14, 2015 - 11:01:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 45
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Ooge Xiftar oo Urdun Weydiistay in laga Caawiyo Dagaalka ka Dhanka ah Islaamiyiinta Liibiya.

    Markii ugu horraysay dagaal ooge Khaliifa Xiftar oo Liibiya kula dagaalama islaamiyiinta ayaa bilaabay in uu socdaallo ku tago dibadda isagoo huwan xilka taliyaha ciidanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay dagaal ooge Khaliifa Xiftar oo Liibiya kula dagaalama islaamiyiinta ayaa bilaabay in uu socdaallo ku tago dibadda isagoo huwan xilka taliyaha ciidanka Liibiya.

Xiftar ayaa gaaray magaalada Cammaan ee wadanka Urdun waxaa halkaasi si diirran ugusoo dhaweeyay Boqorka Urdun Cabdalla Bin Xuseen,wakaaladda wararka Urdun ayaa sheegtay in Xiftar uu weydiistay taageero dhanka hubka iyo sidoonka ah si uu uga adkaado waxa loogu yeero Argagaxisada.

Dowladda Urdun oo bah-wadaag la ah Mareykanka iyo ingiriiska ayaa ballanqaaday in ay gacan ka geysan doonto dagaalka uu Xiftar kula jiro xoogaga islaamiga Liibiya kuwaasi oo sanadadii lasoo dhaafay isku fidinayay magaalooyin waaweyn oo Liibiya katirsan.


Dowladaha Reer galbeedka iyo wadamada Khaliijka ayaa lagu eedeeyaa in ay taageera siinayaan saraakiil katirsan nidaamkii Alqadaafi si saaxada Liibiya looga saaro mujaahidiinta gumeysi diidka ah.

Related Items