Ciidamada Mujaahidiinta oo Weeraray Saldhigyada Xabashida Itoobiya Ee Deegaanka Rabdhuurre.

Tuesday April 14, 2015 - 12:26:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta oo Weeraray Saldhigyada Xabashida Itoobiya Ee Deegaanka Rabdhuurre.

    Ciidamada muslimiinta Soomaaliya ayaa sii xoojiyay dagaalka halganka ah oo ay kula jiraan shisheeyaha afrikaanta ah ee duullaanka kusoo qaaday dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada muslimiinta Soomaaliya ayaa sii xoojiyay dagaalka halganka ah oo ay kula jiraan shisheeyaha afrikaanta ah ee duullaanka kusoo qaaday dalka.

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ayay ciidamada mujaahidiitu weeraro ku qaadeen saldhigyada ciidamada shisheeye ku leeyihiin degmooyin dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaallo saacado badan qaatay ay ka dhaceen degmada Rabdhuurre oo ay xoog ku joogaan ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Wariye ku sugan Bay iyo Bakool ayaa soo sheegay in dagaalka oo ay ka qeyb gelayeen gaadiidka dagaalka mujaahidiinta uu sababay in ay gubtaan qaar katirsan saldhigyada ciidanka Itoobiya.


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiintu ay la wareegeen gacan ku heynta dhowr difaac oo Itoobiyaanku ka dagaalamayeen balse markii dambe ayay muslimiintu dib uga gurteen Rabdhuurre.

Ma ahan markii ugu horraysay oo weeraro lagu qaado saldhigyada ciidamada amxaarada ee ku sugan degmooyin iyo deegaanno katirsan gobolka Bakool.

Related Items