Howlgal Ka Socda Dhismaha Wasaaradaha Tacliimta iyo Batroolka iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

Tuesday April 14, 2015 - 12:48:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Howlgal Ka Socda Dhismaha Wasaaradaha Tacliimta iyo Batroolka iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

    Wararka ka imaanaya isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan iyo rasaas laga maqlay dhismaha wasaaradda Tacliimta ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan iyo rasaas laga maqlay dhismaha wasaaradda Tacliimta ee magaalada Muqdisho.

Goob jooge ku sugan agagaarka isgoyska KM4 ayaa SomaliMeMo u sheegay in ay maqleen jugta qarax wayn kadibna waxaa mar qura isqabsatay rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo.

Idaacadda Islaamiga Andalus ee ku hadasha afka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay war ay kasoo xiganayso sheekh C/Caziiz Abuu Muscab kaasi oo sheegaya in ciidan mujaahidiinta katirsan ay gudaha ugaleen xarunta wasaaradda.


Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa gudaha wasaaradaha waxaana lasoo sheegayaa in ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM ay dagaal kula jiraan mujaahidiinta weerarka qaaday.

Howlgalkan ay ciidamada Al Shabaab ka wadaan bartamaha magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor ay weerar kan lamid ah uu ka dhacay Hoteelka Makka Al-mukarama oo marti geliya madaxda dowladda Federaalka iyo saraakiisha shisheeye.

Related Items