Faah Faahin:Weerarkii Wasaaradaha iyo Saraakiil Katirsanaa DF-ka oo lagu Dilay.

Tuesday April 14, 2015 - 16:00:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 2
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Weerarkii Wasaaradaha iyo Saraakiil Katirsanaa DF-ka oo lagu Dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara badan dhaliyay oo maanta duhurkii ka dhacay isgoyska Zope ee degmada Wadajir bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara badan dhaliyay oo maanta duhurkii ka dhacay isgoyska Zope ee degmada Wadajir bartamaha magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab ay xoog ku galeen dhismaha wasaaradaha waxbarashada iyo Batroolka dowladda Federaalka.

Ugu yaraan 18 qof oo ay mas’uuliyiin kamid yihiin ayaa lagu dilay weerarka halka dhaawacu uu ka badanyahay 35 qof sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadka Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ku dhimatay weerarka waxaa kamid ah Taliyihii ciidanka wasaaradda Waxbarashada oo magaciisa lagusoo gaabiyay Sandheere iyo Yuusuf Ismaaciil oo ahaa agaasimiha guud ee wasaaradda Tacliimta sare.


Mas’uuliyadda weerarkan waxaa sheegatay xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo bilihii lasoo dhaafay sare u qaadday weerarada ka dhanka ah xarumaha muhiimka ah ee DF-ka iyo Hoteello gaar loo leeyahay.

Related Items