Daraasad : Soonka wuxuu Tamar u badalaa Sunta Jirka Ku Keydsan.

Monday June 30, 2014 - 12:34:16 in Wararka by
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 10
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Daraasad : Soonka wuxuu Tamar u badalaa Sunta Jirka Ku Keydsan.

    Darasaad ay sameeyeen koox baaralayaal ah oo ka tirsan Machadka Caafimaadka ee Jaamacadda Intermountain university ee ku taalla dalka Mareykanka ayaa waxay ku ogaadeen in Soonka uu qofka bini'aadamka ah soomo ay sunta jirkiisa ku jirta uu u bada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Darasaad ay sameeyeen koox baaralayaal ah oo ka tirsan Machadka Caafimaadka ee Jaamacadda Intermountain university ee ku taalla dalka Mareykanka ayaa waxay ku ogaadeen in Soonka uu qofka bini'aadamka ah soomo ay sunta jirkiisa ku jirta uu u badalo tamar xooggan.



Kooxdan baarayaasha ah ayaa daraasad ay sameeyeen muddo Seddax sanadood gudahood waxay ugu dambeyn ku ogaadeen in qofka oo Cuntada ka sooma muddo dhaxeysa 10-12 saacadood ay Jirka ka dhigto mid raadiya tamar dheeraad ah, sidaas darteed maadaama uusan jirku heysan tamar dheeli tiran ay qasab noqoneyso inuu jirka fal gal la sameeyo dufanta sunta ah ee ku keydsan gudaha jirka si uu shaqadiisa usii wato.

Dufanta sunta ah ee ku keydsan gudaha jirka bini’aadamka waxaa ka mid ah maadada Cholesterol-ka, iyadoo inta badan dadka qaba Cudurka Sonkorta heerka labaad ay 70% jirkoodu ay ku badan tahay dufantaas oo kale, waxaa sidoo kale jira maado kale oo dufan ah oo jirku uu dhuuqo si uu tamar uga helo, waxaana taas ay ka dhigantahay in dadka qaba cudurka sokorta iyo cudurrada la midka ah inay dheeli tirnaan xagga caafimaadka ah ka helaan soomka bisha barakeysan ee Ramadaan.



Ugu dambeyn madaxa kooxda dhaqaatiirta ah ee daarasaddan sameeyay waxa uu sheegay in daraasaddani ay billow u tahay xaqiijinta in Soomka uu yahay dawada ugu habboon ee dadka qaba cudurka Sonkorta i yo cudurrada kale ee ku dhaca dheef shiidka.

Si kasta oo ay ahaataba Diinteenna suuban ee islaamka ayaa dadka Muslimiinta ah ee qaan gaarka ah waxay ku waajibeysay Soonka Bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana baaritaanno ay soomka ku sameeyeen Aqoonyahanno iyo dhaqaatiir reer galbeed ah ay hadda ku ogaanayaan faa’iidada uu Soomka leeyahay, xilli Diinteenna islaamka ay noo sii sheegtay wax ka badan kun sano ka hor.

Isha Warka : IslammemoAma Halkan Riix



Related Items