Siinka Dheer Oo Xalay La Weeraray Askarna Lagu Dilay

Saturday April 18, 2015 - 09:39:22 in Wararka

Cutubyo ka tirsan ciidanka Mujaahidiinta ayaa xalay dagaal culus ku qaaday isbaaro maleeshiyaadka DF-ka ay ku leeyihiin deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Mujaahidiinta ay mar qura rasaasta la dhaceen isbaaradaas iyadoo lagu soo waramayo muddo saacad ku dhaw in halkaas lagu hardamayayay sida ay noo sheegayaan dadka deegaanka ku ah xaafadaha Siinka dheer.

Maleeshiyaadkii isbaarada fadhiyay ee dadka ku baadi jiray halkaas ayaa la kala ceyriyay sida ay xaqiijinayaan saraakiisha mujaahidiinta ee dagaalka hoggaamineysay iyadoo ay sii dheer tahay in mooryaanta la gaarsiiyay waxyeelo xoogan taasoo sababtay inay u adkeysan waayaan dhamacda dagaalka.


Shabakadda Somali Memo Ilaa iminka lama soo gaarsiin tiro rasmi ah oo qasaaraha ka dhashay dagaalka ah iyadoo saaka lasoo sheegayo in maleeshiyaadka ay kusoo laabteen halkii xalay laga ceyriyay si ay usoo wadaan dhibaateynta dadka muslimiinta ah ee isticmaalaya wadada isku xirta Muqdisho Iyo Afgooye.

Related Items