Xildhibaan Ka Tirsanaa Maamulka Puntland Oo Muqdisho Lagu Dilay Iyo XMSh oo Sheegatay Masuuliyadda Weerarka.

Saturday April 18, 2015 - 16:23:00 in Wararka

Duhurnimadii maanta rag hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa xaafadda Taleex degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ku toogtay masuul ka tirsanaa maamulka la magac baxay Puntland waxaana sarkaalka uu qeyb ka ahaa golaha baarlamaan gaaleedka maamul goboleedkaas.

Qof goob jooge ah oo aan la hadalnay ayaa noo xqiijiyay in raggii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen meydka sarkaalkana uu muddo yaalay goobtii lagu toogtay ee xaafadda Taleex.

War goordhaw kasoo baxay Mujaahidiinta ayaa lagu xaqiijiyay in ciidan ka tirsan kuwa muqdisho ka gala ay toogteen xildhibaankaas oo muddo lagu raad joogay maantana uusoo gacan galay kadib ugaarsi dheer.

"Waxa uu qeyb ka ahaa ragga liiska ugu jiray mujaahidiinta ninka maanta aan beegsanay Allaah ayaana noo fududeeyay beegsigiisa" ayaa lagu yiri warka ay soo saareen Mujaahidiinta.

XMSh ayaa horay u sheegtay inay beegsaneyso ragga xildhibaanada ah iyo qof waliba oo dagaal kula jira diinta islaamka una fududeynaya cadowga gumeysiga dadka muslimiinta ah.

Related Items