Dagaal Lagu Gubay Gaadiid Dagaal Lagu Laayay Askar Ka tirsan Amiso Oo Goordhaw Kusoo Geba gaboobay Sh Hoose.

Sunday April 19, 2015 - 10:53:45 in Wararka

Kolonyo ka tirsan ciidanka gumeysiga shisheeya oo marayay deegaanka Leego ayaa ku dhacay weerar dhaba gal ah oo ay u dhigeen ciidanka Mujaahidiinta ee ka howl gala Sh hoose.

Kolonyada oo ka koobneyd ilaa 5 gaari ayaa lasoo sheegayaa in mur qura ay qabsatay rasaasta Mujaahidiinta waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo muddo socday,jilbaha ayaa la isu aastay dagaalkuna waxa uu ka duwanaa kuwii hore sida warka ay ku heleyso Shabakadda SomaliMemo.

2 gaari oo mid ka mid ah uu yahay nooca Taawga loo yaqaano Iyo gaari booyad ayay mujaahidiinta ku gubeen weerarka iyagoo laayay askartii saarneyd gawaarida sida ay noo xaqiijiyeen Mujaahidiinta.


3 dii Gaari ee la socday labadaas halaagsamay ayaa ka cararay goobta dagaalka markii ay u taag waayeen xaaladda dagaal,qoryo u badan AK 47 Iyo boobayaasha PKM-ka loo yqaqaano ayay mujaahidiinta ka heleen askartii ay dileen,tiro askar meydadka ayaa lasoo sheegayaa inay yaalaan halkii dagaalka uu ka dhacay ee deegaanka Leego.

La soco faah faahinta dagaalka Iyo Wixii kusoo kordha

Related Items