Kamiin Ka Dhacay Duleedka Baydhabo Iyo Waxyeelo Gaartay Ciidanka Amxaarada Itoobiya.

Sunday April 19, 2015 - 18:55:30 in Wararka

Ciidamo ka tirsan Amxaarada Itoobiya oo kasoo baxay degmada Buurhakaba kuna sii jeeday degmada Baydhabo ayaa waxaa galabta jidka u galay ciidan ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Weerar dhaba gal ah ayaa halkaas ka dhacay waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,dad goob joogayaal oo marayay wadada xilliga dagaalku socday oo lala hadlay ayaa noo sheegay in ciidanka Amxaarada la gaarsiiyay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Waxaan aragnay dhiig badan oo ku daatsan wadada 3 askari oo dhaawac ahna waxaa la saarayay gaari ay wateen ciidanka Itoobiya ayuu yiri goob joogaha inkastoo uusan sheegay tirada saxda askarta ku waxyeelowday weerarka.

Ma jirto faah faahin intaa dheer oo kasoo baxaysa weerarka galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Baydhabo Iyo Buurhakaba.

Sugo Faah faahinta Kamiinka.

Related Items