Ciidanka Kenya Oo Dilay Mid ka Mid ah Macallimiinta Mandheera Canshuurna Ka Qaatay meykiisa.

Sunday April 19, 2015 - 19:30:08 in Wararka

Sida aan ku heleyno wararka ka imaanaya magaalada mandheera ciidanka Kenya ayaa gudaha degmadaas ka afduubtay mid ka mid ahaa macallimiinta degmada muddo haatan laga joogo ku dhawaad 20 Maalin.

Ehelka macallin Farxaan Ismaaciil Shuuriye ayaa la'aa halka uu jaan Iyo Cirib dhigay wiilkooda laakiin waxay ku baraarugeen markii 15 maalin kadib ciidanka kenya meydka macallinkaas ay geeyeen degmada Baladxaawo ee saaran xuduud beenaadka.

Macallinka la dilay ayaa kasoo jeeday degmada B/xaawo waxaana markii meydkiisa la geeyay degmadaa aqoonsaday dadka deegaanka iyagoo u diray odayaal dhaqameed magaalada si ay Kenyaatiga ugala xaajoodaan inay soo dhiibaan meydka kadibna la'aaso.


Ciidanka Kenya ayaa diiday inay odayaasha dhaqanka ay ku wareejiyaan meydka Macalinka iyagoo shuruud uga dhigay bixinta lacag dhan 200,000 oo Shilinka Kenya ah,dadka degmada iyo Odayaasha dhaqanka ayay fajac ku noqotay arrinta cusub ee canshuuridda meydadka muslimiinta.

Dadka deegaanka oo is xilqaamay ayaa bixiyay lacagaha ay sheegteen Adoomeyda ugu dambeynna waxaa sidaas lagu aasay Macallin Farxaan Ismaaciil,dadka degmada B/Xaawo ayaa la yaaban waxa ay faleen ciidanka gumeysiga Kenya.

Related Items