Dagaal Lagu Qaaday Garoonka Kismaayo Iyo kenyatiga Oo Askar Laga Dilay.

Monday April 20, 2015 - 09:08:32 in Wararka

Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ciidanka Kenyatiga ay ku leeyihiin garoonka magaalada Kismaayo halkaasoo ah fariisinka ugu weyn ee ay ku leeyihiin jubooyinka.

Ciidankii weeraray xarunta ayaa madaafiic ku garaacay iyagoo kadib rasaasta fudud la dhacay difaacyadii ciidanka Kenya garoonka diyaaradaha Kismaayo ay ku lahaayeeen waxaana lagu soo warramayaa in dagaal culus oo muddo socday uu halkaas ka dhacay.

Saraakiisha Mujaahidiinta ee Wilaayada Jubooyinka oo aan wax ka weydinay dagaalkaas waxay noo xaqiijiyeen in ciidankooda ay weerareen difaacyada garoonka ay ku leeyihiin kenyatiga dagaal culusna ay ka galeen kadibna ay isaga soo baxeen markii ay soo naafeeyeen cadowga.


Jubooyinka Kenyatiga ku sugan waxa uu wajahayaa dhibaatooyin adag oo ay ka mid yihiin in laga joojiyay ama hakad laga galiyay isu socodka,in ciidankooda furimaha kala duwan ku sugan ay ku dhibbanyihiin sahayda Iyo dagaallo joogto ah oo looga laayo askar badan.

Related Items