Qarax Ka Dhacay Garoowe Iyo XMSh Oo Sheegatay Masuuliyadda Weerarka.

Monday April 20, 2015 - 10:50:38 in Wararka

Qarax Xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay afaafka hore ee xarunta Qm ee magaalada Garoowe kaasoo lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan UN-ka oo isugu jiray caddaan Iyo Madoow.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu qabsaday gaari oo ah Nooca Homi-ga loo yaqaano oo ay saarnaayeen ku dhawaad 20 shaqaale waxaana lagu soo waramayaa in dhamshada ay mareyso 10 ay ku jiraan shaqaale caddaan Iyo madow isugu jira oo ka tirsanaa QM halka uu sii caga cageynayo ilaa 7 qof sida warka aan ku heleyno.

War daqiiqado ka hor kasoo baxay Mujaahidiinta ayaa lagu sheegtay in weerarka qaraxa ah ay iyagu ka dambeeyeen ayna beegsadeen shaqaalaha UN_ka iyagoo xaqiijiyay dhimashada 10 qof oo u badan ajaanib caddaan Iyo madow ah iyo dhaawaca tiro kale.


Ilaa Iminka ma caddeyn Mujaahidiinta qaabka weerarka uu ahaa,sawirro laga soo qaaday gaariga la beegsaday ayaa muujinaya gaariga oo ka bur buray qeybaha sare.

La soco wixii kasoo kordha

Related Items