Amiirkii Mujaahidiinta Qowqaaz oo Shahiiday Iyo Bayaan Laga Soo Saaray

Monday April 20, 2015 - 19:58:11 in Wararka

Imaarada islaamiga ah ee Qooqaaz ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu shahiiday Amiirkii guud ee Imaarada Sheekh Abii Muxamed Al-Daaghistaani, kaasi oo mas'uuliyadda Hoggaanka Imaarada loo dhiibay kadib Istish-haadkii Amiirkii hore ee Sheekh Doko Cumarov Abuu Cuthman.

Qoraal lagu baahiyay Barta Twitterka ee Wilaayada Daghistan oo ka mid ah Wilaayaatka hoos yimaada Imaarada ayaa waxaa lagu sheegay in Istish-haadka Amiirka ay ka dambeysay kadib markii isaga iyo dhowr walaal oo kale lagu go'doomiyay guri ay ku sugnaayeen markii ay soo weerareen Ciidamada Gaalada ee Dowladda Ruushka.

Dagaal aad u xooggan ayaa dhexmaray ragga Mujaahidiinta ah ee dhismahaas ku go'doonsanaa iyo Ciidamada Gaalada ee soo weeraray, iska hor imaad socday dhowr saacadood kadib, waxaa Ciidamada Kuffaarta Ruushka u suuragashay inay gudaha u galaan guriga markii ay Shahiideen raggii uu Amiirku ka mid ahaa ee dhismahaasi ku jiray.


Dowladda dhexe ee Ruushka iyo Maamulka daba dhilifka u ah ee ka taliya Gobolka Qooqaaz ayaan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin howlgalka Amiirka lagu dilay iyo sida uu u dhacay, iyadoo Boqollaal Ciidamo ah lasoo dhoobay goobta uu howlgalku ka dhacay ee ka tirsan Wilaayada Dagistan.

Sheekh Abuu Muxamed Al-Daagistaani waxaa loo magacaabay Amiirka Imaarada islaamiga ah ee Qooqaaz horraantii Sanadkii lasoo dhaafay ee 2014-kii kadib markii sidan oo kale ay Ciidamada Gaalada ee Dowladda Ruushku ay dileen Hogaamiyihii hore ee Imaarada Sheekh Doko Comarov.

Related Items