Kamiin Ka Dhacay Jubooyinka Iyo Gaadiid Laga Gubay Kenyatiga

in Wararka

Wararka ka imaanaya Jubooyinka ayaa sheegaya in gabbal dhicii maanta weerar dhaba gal ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Taabta Iyo Dhoobleey oo waqtigaas marayen ciidan ka tirsan kenya.

Kolonyadii gaadiidka gumeystaha kenya ayaa mar qura la kulmay rasaas culus oo kasoo dhacaysa dhanka Mujaahidiinta iyadoo weerarka ay bar bar socdeengantaalada garbaha laga gano.

Saraakiisha Mujaahidiinta ee Jubooyinka ku sugan ayaa noo sheegay inay dagaalka ku gubeen gaari nooca Mitubiisha loo yaqaano oo Zaad u waday ciidanka Kenya,waxay kusii darayaan wararka inuu jiro qasaare soo gaaray askartii la beegsaday.

Ciidankii kenya ee socdaalka ku jiray una sii jeeday Dhoobleey ayaa hakaday iyagoo goobta ka qaatay askartii qasaaraha soo gaaray iyo gaarigii mujaahidiinta ay gubeen.

Related Items