Dagaallo Afmadoow Ka Dhacay Iyo Maleeshiyaad Qasaare Lagu Gaarsiiyay.

Tuesday April 21, 2015 - 09:59:10 in Wararka

Ciidanka Mujaahidiinta ee ribaadka kaga jira duleedka Afmadoow ayaa xalay dagaal culus ku qaaday fariisin maleeshiyaadka ay ku leeyihiin gudaha degmadaas gaar ahaan saldhigga Iyo meelo kale.

Dagaalka ayaa ahaa mid aad u culus oo dhinacyo kala duwan mujaahidiinta ay ka galeen magaalada iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida ay noo soo sheegayaan dadka deegaanka.

Ciidankii galay degmada Afmadoow ayaa maleeshiyaadka ka ceyriyay difaacyo dhowr ah iyagoo ku roondeeyay muddo kooban gudaha magaalada kadibna way isaga baxeen gudaha degmada markii dagaalku uu soo idlaaday.

Inta la ogyahay tiro ka tirsan maleeshiyaadka Axmad madoobe ayaa dhimasho Iyo dhaawac ku noqday weerarka,dadka deegaanka oo aan la xiriirnay waxay adkeeyeen suurta galnimada qasaaraha maleeshiyaadka gaaray.

Related Items