Dagaal Ka Dhacay Duleedka Kismaayo Iyo Gaadiid Kenya Laga Gubay.

in Wararka

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidanka Mujaahidiinta ay weerar dhaba gal ah u dhigeen kolonyo gadiid ah oo ay leeyihiin ciidanka Kenya sahayna usoo waday ciidanka ku go'doonsan deegaanka B/gaduud.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Shabaabul Mujaahidiinta oo la socday dhaq dhaqaaqa cadowga ayaa jidka u galay kolonyada oo qaar ay kasoo baxeen Kismaayo halka qaarka kalana ay kasoo baxeen iyagoo damacsanaa inay sidaas ku kala wareegaaan sahayda la sido.

Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka Qaam qaam oo dhowr Iyo toban KM u jira kismaayo,saraakiishii hoggaamineysa dagaalka oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay inay gubeen gaari nooca xamuulka qaado ah oo ay la kacday miino jidka loo galiyay.


Rasaas culus ayaa la isweydaarsaday waxaana dagaalka uu kus socday ku dhawaad muddo 30 daqiiqo ah iyadoo qasaare culus la gaarsiiya Kenyatiga,ciidankii jidka u galay kolonyada cadowga ayaa dib ugu laabtay halkii ay ka duuleen iyagoo nabad qaba soona naafeeyay ciidanka kenya.

Related Items