Daalibaan Afgaanistaan Oo Ku Dhawaaqday Camaliyad Lagu Beegsanayo Ciidanka Mareykanka

in Wararka

Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinya Daalibaan Afgaanistaan ayaa looga hadlay in Mujaahidiinta ay ku dhawaaqeen howl gal lagu magacaabo Camaliyadii go'aanka oo lagu beegsan doono ciidanka shisheeye ee ku sugan gobolada kala duwan ee dalka.

Bayaanka ayay ku sheegeen mujaahidiinta,Waxaay camaliyadan beegsan doontaan xarumaha saldhigyada safaarada Iyo meel waliba oo ay ku suganyihiin reer galbeedka waan beegsan doonaa oo ma dhaafi doono hadii ay rabaan inaan ka deyno weerarada waa inay si dhaqso ah isaga baxaan waddanka ayaa lagu yiri bayaanka.

Camaliyadan ayaa socon doonta waqtiga guga iyadoo xilligan oo kalena mujaahidiinta sanad waliba ay ku dhawaaqaan camaliyado waaweyn kuwaasoo xaaladda ku adkeeya ciidanka gumeysiga ku jooga waddankaas.

Related Items