Obama oo Ku Dhawaaqay Dilka Warren Weinstein iyo Giovanni Fany Porto oo Muddo Sanada ah gacanta Ugu jiray Al Qaacidda.

Thursday April 23, 2015 - 19:46:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 30
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama oo Ku Dhawaaqay Dilka Warren Weinstein iyo Giovanni Fany Porto oo Muddo Sanada ah gacanta Ugu jiray Al Qaacidda.

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in uu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagusoo furto muwaadiniin Mareykan iyo Tayaani ah oo gacanta mujaahidiinta Al Qaacidda kujiray sanadadii lasoo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in uu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagusoo furto muwaadiniin Mareykan iyo Tayaani ah oo gacanta mujaahidiinta Al Qaacidda kujiray sanadadii lasoo dhaafay.

Obama Hoggaamiyaha Mareykanka oo shir jaraa’id ku qabtay aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in ay cudur daar ka bixinayaan dilka Warren Weinstein oo ahaa sarkaal muddo sanada ah Maxbuus ahaan  gacanta ugu jiray  Al Qaacidda iyo Giovanni Fany Porto oo ahaa muwaadin Talyaaniga u dhashay oo isna Al Qaacidda heysatay.

"waan ka cudur daarayaa dilka Warren Weinstein iyo Giovanni Fany Porto,ujeedku wuxuu ahaa in la beegsado isku imaatinnada dagaalyahanada Al Qaacidda balse khalad ayaa dhacay”ayuu yiri Obama.


Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in wixii dhacay ay mas’uuliyadeeda qaadayaan "dilka muwaadinka Talyaaniga ah iyo Midka Mareykanka ah cudur daar ayaan ka bixinaynaa mas’uuliyadda inaga ayaa qaadayna”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Obama.

Dowladda Gumeysiga Mareykanka waxay sheegtay in duqeynta ay ku dishay qof muslim Mareykan ah oo katirsanaa Mujaahidiinta Al Qaacidda,wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday xadbeenaadka ay wadaagaan Pakistan iyo Afghanistan lagu dilay Sheekh Cazam Al-imriiki oo saraakiisha Al Qaacidda katirsanaa.

Warren Weinstein ayaa dhowr mar kasoo muuqday muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka wuxuuna dalbanayay in xukuumaddiisa Washington ay bad baadiso noloshiisa oo ay u hoggaansato dalabka Mujaahidiinta.

Related Items