Kenya oo Taliye Cusub u Magacaawday Booliska Magaalada Gaarisa Kadib Weerarkii Al Shabaab Ee Jaamacadda.

Friday April 24, 2015 - 06:38:34 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo Taliye Cusub u Magacaawday Booliska Magaalada Gaarisa Kadib Weerarkii Al Shabaab Ee Jaamacadda.

    Xilli ammaanka wadanka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay xukuumaddu ku dhawaaqday isbedello dhanka ammaanka ah si looga hortago weerarada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadaan magaalooyinka wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka wadanka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay xukuumaddu ku dhawaaqday isbedello dhanka ammaanka ah si looga hortago weerarada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadaan magaalooyinka wadankaasi.



Taliyaha guud ee booliska Kenya Joseph Bainnet ayaa ku dhawaaqay in hoggaan cusub oo dhanka ammaanka ah loo magacaabay magaalada Gaarisa oo horraantii bishan uu ka dhacay weerar dhiigbadan ku daatay.

Taliyaha cusub ee booliska Gaarisa ayaa loo magacaabay Shadrack Maithya oo ah Nasraani kasoo jeeda dhanka magaalada Nairobi,warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in taliyihii hore ee booliska Gaarisa loo magacaabay madaxa ammaanka magaalada Nikuru.



Shadrack Maithya ayay warbaahinta maxalliga Kenya ku tilmaantay shakhsi aan wax cusub soo kordhin Karin sababa laxariira isagoo lasoo shaqeeyay xukuumadda kala duwan waxaana xusid mudan in uu kamid yahay mas’uuliyiinta lagu eedeeyo musuq maasuqa halakeeyay dowladda Kenya.

Magacaabista taliyaha booliska Gaarisa ayaa imaanaya maalmo ka hor markii xukuumadda Kenya ay xilka qaadis ku sameysay 10 sarkaal oo ka shsaqeynayay gobollada Waqooyi Bari iyo Tanariva.

Related Items