Macalim Geedoow "Ciidanka Itoobiya Ee Ku Duulay Bay iyo Bakool Way Ku Hungoobeen Hadafkoodi Gumeysi" Dhageyso.

Friday April 24, 2015 - 08:46:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 30
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Macalim Geedoow "Ciidanka Itoobiya Ee Ku Duulay Bay iyo Bakool Way Ku Hungoobeen Hadafkoodi Gumeysi" Dhageyso.

    Sheekh C/llaahi Macalim Geedow oo Waaliga wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ayaa xaqiijiyay in ciidanka Xabashida Itoobiya ee duullaanka kusoo qaaday gobolladaasi ay wajahayaan iska caabin adag oo uga imaanaysa muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh C/llaahi Macalim Geedow oo Waaliga wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ayaa xaqiijiyay in ciidanka Xabashida Itoobiya ee duullaanka kusoo qaaday gobolladaasi ay wajahayaan iska caabin adag oo uga imaanaysa muslimiinta.

Isagoo wareysi siinayay Idaacadda islaamiga Andalus ee ku hadasha Afka xarakada Al Shabaab ayuu sheegay in gumeysiga Itoobiya ee Bay iyo Bakool ku sugan ay gabeen marxaladdii weerarka ayna ku aruureen difaac,wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhammaan degmooyinka gacanta Itoobiya galay ay hareeraysanyihiin.

Shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Bay iyo Bakool ayuu ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan Jihaadka lagula jiro Itoobiya wuxuuna adkeeyay xoojinta halganka gumeystaha lagula jiro.

Wuxuu soo hadal qaaday roobabkii Guga ee wilaayada ka curtay isagoona dadka beeralayda ah kula taliyay in ay roobabka ka faa’iidaystaan oo ay beerahooda tacbadaan.

Related Items