Oday Dhaqameed Taageeri Jiray Ciidanka Itoobiya oo Lagu Dilay Galbeedka B/Weyne.

Friday April 24, 2015 - 08:41:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 35
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Oday Dhaqameed Taageeri Jiray Ciidanka Itoobiya oo Lagu Dilay Galbeedka B/Weyne.

    Rag hubeysan ayaa magaalada Beled Weyne ku dilay mid kamida odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ee taabacsan ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa magaalada Beled Weyne ku dilay mid kamida odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ee taabacsan ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Jabuuti.

Wararka ka imaanaya Beled Weyne ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay xalay fiidkii galbeedka magaaladaasi ku dileen Nin lagu magacaabi jiray Xasan Daahiye Uulow.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidan ilaala u ahaa oday dhaqameedka Itoobiyaanka la shaqeynayay ay rasaas is waydaarsadeen xoogaga dilka geystay.

Bilihii lasoo dhaafay ayay dilal qorshaysan lakulmayeen odayaasha dhaqanka ee taageerada siinaya ciidamada shisheeye ee duullaanka ku qaaday gobolka Hiiraan waxaana xusid mudan in odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ee gumeysi diidka ah ay nabad ku heystaan deegaanada sharciga islaamka lagu maamulo.

Related Items