Ciidamada Mujaahidiinta Oo Dagaal Ku Galay Degmada Qoryooley Sh/Hoose.

Tuesday July 01, 2014 - 08:34:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta Oo Dagaal Ku Galay Degmada Qoryooley Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen degmada Qoryooley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen degmada Qoryooley.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiintu ay weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada AMISOM.

Daryanka rasaasta iyo madaafiic xooggan ayaa laga maqlayay gudaha degmada,goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa midkii ugu xooganaa ee abid ka dhaca Qoryooleey tan iyo markii ciidanka shisheeye qabsadeen magaaladaasi bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gudaha Qoryooley lagula dagaalamay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda,agagaarka isbitaalka degmada iyo xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa ahaa meelaha ugu daran ee dagaalladu ka dhaceen.


Ilo wareeydo ayaa sheegaya in gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada xarakada Al Shabaab ay kaalin muuqata ka qaadanayeen dagaalkii xalay.

Dhinaca kale gaari qooqan ah oo ay wateen saraakiil DF-ka katirsan ayaa lagu qarxiyay tuulada Moshaani waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items