Kumanaan Lagu Dilay Dhulgariir ku dhuftay Wadanka Nepal.

Saturday April 25, 2015 - 19:18:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 35
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumanaan Lagu Dilay Dhulgariir ku dhuftay Wadanka Nepal.

    Ku dhawaad 1,500 oo qof ayaa ku dhimatay dhul gariir ku dhuftay wadanka Nepal oo daris la ah dal weynaha Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad 1,500 oo qof ayaa ku dhimatay dhul gariir ku dhuftay wadanka Nepal oo daris la ah dal weynaha Hindiya.

Wararka ka imaanaya magaalada Katamandu ee caasimada u ah Nepal ayaa xaqiijinaya in dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 uu ku dhuftay dhammaan gobollada wadankaasi ka koobanyahay.

Meydadka dad farabadan ayaa lagasoo daad gureeyay burburka hoostiisa halka boqolaal qof la la’yahay kuwaasi oo larumeysanyahay in ay ku hoos xanibanyihiin guryo burburay.

Wasiirka warfaafinta Nepal Ninka lagu magacaabo Minendra Rijal ayaa xaqiijiyay dhimashada 1,130 isagoona saadaaliyay in dhimashadu sii kordhi karto saacadaha soo socda.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dul heebaayay degmooyinka Nepal si ay usamata bixiyaan dadka ku xanibay burburka hoostiisa.

Related Items