Dagaallo Saacada Qaatay oo Ciidanka Mujaahidiinta iyo Xabashida Itoobiya Ku Dhaxmaray Duleedka Degmada Xudur.

Sunday April 26, 2015 - 07:41:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Saacada Qaatay oo Ciidanka Mujaahidiinta iyo Xabashida Itoobiya Ku Dhaxmaray Duleedka Degmada Xudur.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ku dhaxmareen ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ku dhaxmareen ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo muslimiinta.

Dagaallada oo ahaa kuwa saacada badan qaatay ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Xudur kadib markii ciidamada mujaahidiintu ay wadada ugaleen kolonyo gaadiid Xabnashidu wadatay.

Wariye Cali Yare oo ku sugan Bay iyo Bakool ayaa soo sheegay in dagaallada oo ay ka qeyb qaadanayeen gaadiidka dagaalka mujaahidiinta ay ciidanka Xabashida Itoobiya ku qasbeen adeegsiga madaafiicda goobta iyo in ay ku hakadaan tuulada Ceelgaras.


Ciidamada Itoobiya ee weerarka dhabagalka ah loo dhigay ayaa markii ugu horraysay isku dayay in ay gurmad gaarsiiyaan ciidanka kale ee uga sugan degmada Tayeegloow halkaasi oo hareerayn adag ay ku wajahayaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaadiid dagaal cadawga looga gubay dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Xudur,sarkaal katirsan xarakada Al Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankoodu ay khasaara gaarsiiyeen cadawga balse faah faahin dheeri ah kama bixin dagaalka.

Related Items