Dowladda Kenya oo Xarakada Al Shabaab Ku Eedaysay Qafaal Ka Dhacay Magaalada Mandheera.

Sunday April 26, 2015 - 07:57:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo Xarakada Al Shabaab Ku Eedaysay Qafaal Ka Dhacay Magaalada Mandheera.

    Xilli ammaanka wadanka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay sii kordhayaan weerarada lagu qafaalanayo muwaadiniinta Kenyanka ah ee ku dhaqan magaalooyinka dhaca xadbeenaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka wadanka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay sii kordhayaan weerarada lagu qafaalanayo muwaadiniinta Kenyanka ah ee ku dhaqan magaalooyinka dhaca xadbeenaadka.

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay gudaha degmadaasi ka qafaasheen laba Macalin oo waxka dhigayay iskuullada Mandheera.

Duqa magaalada Mandheera Alex Nkoyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qafaalka macalimiinta isagoo falkaasi ku macneeyay mid argagax geliyay mas’uuliyiinta dowladda.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in xoogaga qafaalka geystay ay laheystayaasha ula dhaqaaqeen dhanka gobolka Gedo ee dalka soomaaliya.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii rag hubeysan ay deegaanka Alcarabiga ka qafaasheen sarkaal katirsanaa dowladda Kenya kadibna ay dileen.

Related Items