Xiisada Colaadeed oo Magaalada Garowe ka taagan Kadib Markii Maxbuus lagala Baxay Xabsiga Dhexe.

Monday April 27, 2015 - 07:35:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisada Colaadeed oo Magaalada Garowe ka taagan Kadib Markii Maxbuus lagala Baxay Xabsiga Dhexe.

    Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno hoos yimaad degmda Garowe ee gobolka Nugaal waqooyi Bari Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno hoos yimaad degmda Garowe ee gobolka Nugaal waqooyi Bari Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Nugaal ayaa sheegaya in mid kamida beelaha Garowe dega ay ka carootay tallaab ay ciidamo katirsan maamulka Puntland isku magacaabay ay Xabsiga dhexe ee degmadaasi xoog ugala baxeen maxbuus ku eedaysnaa dhac iyo dil.

Xiisadaha ayaa lasoo sheegayaa in ay u dhaxeeyaan maleeshiyaad kawada tirsan maamulka Puntland oo qaab beeleed isku khilaafsan,Cabdi Wali Gaas oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu wax ka qaban doono xiisadda wuxuuna amar ku bixiyay in lasoo xiro ciidamadii ku lug lahaa sii daynta Ninka dambiilaha ah.


Bilihii lasoo dhaafay Magaalada Garowe waxaa kajiray loolan u dhaxeeya maamulka Cabdi Wali Gaas iyo saraakiil katirsanaa maamulkii C/Raxmaan Faroole iyadoona dhowr mar iska hor’imaadyo khasaara dhaliyay ka dhaceen gudaha Garoowe.

Related Items