Sedax Katirsan Askarta Dowladda Federaalka oo Degmada Yaaqshiid Lagu Dilay.

Tuesday July 01, 2014 - 15:33:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Katirsan Askarta Dowladda Federaalka oo Degmada Yaaqshiid Lagu Dilay.

    Xoogag hubeysan ayaa maanta barqadii askar katirsan dowladda Federaalka ku khaarijiyay magaalada Muqdisho xilli ay sii xoogeysanayaan weerarada ka dhanka ah canaasirta kujira DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa maanta barqadii askar katirsan dowladda Federaalka ku khaarijiyay magaalada Muqdisho xilli ay sii xoogeysanayaan weerarada ka dhanka ah canaasirta kujira DF-ka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay isgoyska Afarta Darjiino ku toogteen sedax askari oo booliska katirsan kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Xoogaga toogashada geystay ayaa iyagoo bad qaba goobta isaga dhaqaaqay mana jirin wax katirsan ciidamada booliska iyo kuwa Nabad sugidda oo dabagal ku sameeyay.

Waa Maalintii 3-aad oo si xariir ah ay dilal qorshaysan uga dhacayaan magaalada Muqdisho xalay ayaa mas’uul katirsan wasaaradda gaadiidka lagu dilay degmada Shibis.



Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maalin ka hor sheegay in ciidamadoodu ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah DF-ka iyo AMISOM inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]



Related Items