John Kerry oo Booqasho Kooban Ku Tegay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Kulamana la qaatay Hoggaamiyaal Dabadhilifyo Ah.

Tuesday May 05, 2015 - 15:39:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 35
  • 0 0
  • Share via Social Media

    John Kerry oo Booqasho Kooban Ku Tegay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Kulamana la qaatay Hoggaamiyaal Dabadhilifyo Ah.

    Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa booqasho kooban ku yimid garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho xilli ammaanka waddooyinka Muqdisho la adkeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa booqasho kooban ku yimid garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho xilli ammaanka waddooyinka Muqdisho la adkeeyay.

Socdaalka John Kerry oo qeyb ka ahaa booqasho uu maalmihii lasoo dhaafay ku marayay wadamo dhaca bariga qaaradda Afrika ayaa la sheegay in mareykanku ku adkaynayo joogitaankiisa mandiqadda.


Maanta duhurkii ayuu Kerry ka degay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho waxaa halkaasi muddo saacada ah ku lug go’naa hoggaamiyaasha maamullada shisheeyaha taabacsan ee Soomaaliya kajira waxaana ugu horreeyay Cumar Cabdi Rashiid iyo Xasan Sheekh oo madaxweyne iyo R/wasaare ku magacaaban.



John Kerry ayaa kulamo kala gooni gooni ah laqaatay dhammaan hoggaamiyaasha dabadhilifyada ee maalmo ka hor ku kulmay magaalada Garowe wuxuuna kala hadlay sidii ay u adkeyn lahaayeen muhiimadda shisheeyuhu u wakiishay.


Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Mareykanka uu Xasan Sheekh ku wargeliyay in aan waqti dheeri ah loogu dari doonin xilka madaxtinimada islamarkaana loo baahanyahay in sanadda 2016 doorashooyin ka dhacaan Soomaaliya.


Saacado kadib ayuu Kerry dib uga laabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho sababa ammaan aawgeed ayay usuurtageli waysay in uu tago madaxtooyada Villa Somalia isagoona hoggaamiyaasha dabadhilifyada ku qaabilay garoonka Muqdisho.


Sidoo kale John Kerry ayaa kulamo laqaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada shisheeyaha AMISOM ee soomaaliya ku sugan,waa socdaalkii ugu horreeyay ee mas’uul mareykan ah ku yimaad soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay sanaddii 1993.

Related Items