Caasha Gelle "Waqtigan Adag Dastuur looma sameyn karo Soomaaliya sidaasi daraadeed waan iscasilay".

Thursday May 07, 2015 - 08:01:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caasha Gelle "Waqtigan Adag Dastuur looma sameyn karo Soomaaliya sidaasi daraadeed waan iscasilay".

    Xilli uu waqtigu kulaalayo Hoggaanka UGUS (Ururuka Gummeeyay Umadda Soomaaliyeed) ee Dowladda Federaalka isku magacaabo ayay soo baxayaan khilaafaadyo ragaadiyay dhammaan laamaha Ururkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli uu waqtigu kulaalayo Hoggaanka UGUS (Ururuka Gummeeyay Umadda Soomaaliyeed) ee Dowladda Federaalka isku magacaabo ayay soo baxayaan khilaafaadyo ragaadiyay dhammaan laamaha Ururkaasi.



Madaxii ugu sarreeyay soo diyaarinta dastuurka KMG ah ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkii ay ku haysay maamulka Xasan Sheekh.

Caasha Gelle Yuusuf ayaa shir Jaraa’id oo ay ku qabatay waqooyiga magaalada Gaalkacyo uga dhawaaqday in ay iska casishay xilkii ay heysay oo ay ku macnaysay mid magac uyeel ah oo aan waxba soo kordhinayn.

"waqtiga aan heysano oo yar iyo ismamariwaaga taagan ayaa sababay in aan iska casilo xilkii aan hayay oo ahaa madaxa diyaarinta dastuurka KMG ah”ayay tiri Caasha Geelle.



Waxay sheegtay in ammaan darrada ka jirta magaalada Muqdisho iyo gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya aysan suurtagal ka dhigayn in guddigu uu ku wareego magaalooyinka iyo degmooyinka islamarkaanauu shacabka afti ku aadan dastuurka qaado.

"Inkastoo aanu shaki ku jirin duruufaha dalka ka jira ,hadana waxaa cad inaan qorshayn fiican horey loogu samayn dastuurka Qaran iyo dhamays-tirkiisa"ayay hadalkeeda sii raaciyay Caasha Geelle.

Caydiid ilka xanaf oo UGUS ugu magacaaban guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa isna sheegay in arrimaha dastuurka uu yahay mid jiha wareer ka taaganyahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items