Inkastoo Sheekha Maqaalkiisa uu dheeryahay, haddana waxaan isku dayi
doonnaa inaan soo koobno waxyaabaha ugu muhiimsan ee Sheekhu uu kusoo
hadal qaaday maqaalkiisaan qiimaha badan, waxaana qeybta dambe idiinku
soo gudbin doonnaa Maqaalka oo Luqadda Carabiga ku qoran.
Ugu horreyn Sheekhu waxa uu maqaalkiisa kusoo qaaday muhiimadda ay
dadka Muslimiinta ah u leedahay soo noqoshada khilaafada, taas oo uu
ballan qaaday Rasuulka SCW, wuxuuna Rasuulka noo sheegay inay soo noqon
doonto khilaafo ku dhisan Manhajka nabinimada kadib marka uu dhamaado
xukunka Jabriga ah.
Axaadiith laga weriyay Rasuulka SCW ayaa waxay sheegayaan in marka
la gaaro Aakhiru zamanka inuu soo bixi doono khaliifka ugu dambeeya ee
wax ku maamuli doona Manhajka nabinimada, kaas oo ah Muxamed Binu
Cabdullaahi Al-Mahdi Alxasani Alqurashi, waxaana khaliifkaas uu soo dagi
doonaa xilliga uu soo baxaayo Nabi Ciise Caleyhi Salaam, isagoona kusoo
dagi doona Manaaratul Beydaa oo ku taalla magaalada Dimishiq.
Sida ay sheegayaan Axaadiith-ta laga weriyay Rasuulka SCW, xilligaas
dhulka Shaam waxaa ka jiri doona Xukun islaami ah, marka laga reebo
dhulka hadda loo yaqaano Filastiin oo ay heystaan Yuhuudda, waxaana
halkaas kula dagaallami doona Ciidanka Muslimiinta, isla waqtigaas waxaa
iyana Jaziiradda Carabta ka jiri doon rag Mujaahidiin ah, kuwaas oo
Mahdiga Beyco kula geli doona meel u dhow Kacbada, waxaana markaas
billaaban doona Malaaxmita u dhaxeeya Muslimiinta iyo Roomaanka.
Horudhacaas kadib, waxa uu Sheekhu ka hadlay qaabkii Saxaabada Alle
haka wada raalli noqdee usoo dooran jireen Khulafada Muslimiinta, laga
soo billaabo geeradii Rasuulka SCW, doorashadii Khulafadii Raashidiinta
ahaa illaa laga soo gaaro khilaafadii Cumar Binu Cabdul Caziiz.
Wuxuu yiri Sheekh Xuseen Binu Maxamuud :
"Rasuulka SCW ayaa geeriyooday cidna uma daar daarmin in khaliif
laga dhigo, laakiin wuxuu bixiyay tilmaamo muujinaya in Abuu Bakar
As-sidiiq RC uu ku haboonyahay, markii Ansaarta ay ku kulmeen gurigii
"Saqiifa” waxaa halkaas isugu yimid ragga saxaabada ugu waaweyn waxayna
isku afgarteen in Abuu Bakar As-sidiiq ay u doortaan inuu Muslimiinta
hogaamiyo, kadibna waxaa beyco la galay ragga saxaabada ugu waaweyn iyo
dadka Ahlul xalli wal caqdiga ah, sidaas ayuu ku noqday khaliifada
Muslimiinta. Markii uu Abuu Bakar dareemay inay soo dhawaatay geeridiisa
wuxuu wada tashi la sameeyay Saxaabada wuxuuna soo jeediyay in Cumar
laga dhigo Khaliifada Muslimiinta, Saxaabada badankood way ka raalli
noqdeen, halka qaar kalena ay diideen, laakiin Abuu bakar wuxuu dadaal
ku bixiyay inuu saxaabada kuwada qanciyo, illaa ugu dambeyntii badankood
ay ogolaadeen, kadibna wuxuu go’aankii u bandhigay reer Madiina, way
waafaqeen, sidaas ayuu Cumar ku noqday khaliifada Muslimiinta”.
"Sidaas ayay ku socotay beycada Khilaafada ee ku dhisan Manhajka
Nabiga, xilligaasna ma dhicin cid awood beyco ku qaadatay, beycada waxay
inta badan ku dhaceysay iyadoo raalli laga wada yahay, oo loo marayo
dhinaca Ahlul Xalli wal Caqdiga, waxaana ugu horreeyay khilaafo awood ku
timaada tii Cabdul Malik Binu Marwaan, kaas oo dagaal la galay
Saxaabigii kasoo horjeeday ee Cabdullaahi Binu Zubeyr, kadibna uu ku
dilay magaalada Makka. Culimadu waxay fatwoodeen inay sharci tahay
khilaafada xoogga ku timid iyadoo la ilaalinayo dhiigga Muslimiinta,
laakiin taas ma ahan dariiqada saxda ah ee Khaliif lagu doorto”.
Sheekha oo sii hadlaya wuxuu yiri :
” Soo celinta khilaafada ku dhisan Manhajka nabinimada, kuma imaan
karto illaa la maro Axkaamtii loo maray waqtigii khilaafada koowaad ee
Muslimiinta, Umadna kuma hagaageyso illaa wixii ay ku hagaageen dadkii
ka horreeyay, waxaa laga maarmaan ah in mubaayaco lala galo dadka Ahlul
xalli wal caqdiga ah ee Umadda ku jira, si ay khilaafadu sharci u
noqoto, waxaanna horey u sheegnay in Ahlul Xalli wal caqdiga maanta ay
yihiin Culimada Rabbaaniyiinta ah iyo hoggaanka Jihaadka ee ku sugan
Khurraasaan (Afghanistan) Qooqaaz, Jaziiradda Carabta, Maghrib
Al-islaami, Soomaaliya, iyo dhufeysyada kale ee Jihaadka ee ku hoos
dagaallamaya Raayo Islaami ah oo cad, haddii kuwaas ay beyco la galaan
khilaafada la iclaamiyay waxay noqoneysaa mid sax ah, kuna waajib ah
dadka Muslimiinta ah ee caalamka ku nool, markaasna ma furna in laga
doodo”.
Intaas kadib wuxuu Sheekhu ka hadlay mowqifkiisa ku aadan iclaaminta
dowladda islaamiga ah ee "Khilaafada” iyo beycada Abuu Bakar
Al-Baqdaadi, ma tahay mid sharci ah, waajib ma tahay beycadiisa? .
Wuxuuna Sheekhu mowqifkiisa kusoo koobay dhowr qodob isagoo yiri :
1 – Ma ihi Sheekha islaamka, iyo ruux Mufti u ah dadka, waxaan ahay
qof ka mid ah dadka Muslimiinta ah oo ku ijtihaayada caqligiisa gaaban
iyo cilmigiisa yar, wixii xaq ah ee aan toosinay Fadliga Alle ayay ku
ahaadeen, wixii aan khaldayna xaggeyga iyo xagga Sheydaan ayay ka
ahaadeen.
2- Ra;yigeyga iyo Ijtihaadkeyga gaaban qofna kuma qasbana inuu qaato
ee waa mid aan Diin ahaan u aaminsanahay, oo aan raalli kaga ahay
nafteyda, qofna yuusan dhihin ra’yiga Sheekhu waa kan sharciga ah, ee
waa aragtideyda iyo dadaalkeyga gaaban, wuxuu xambaarsanaan karaa sax
iyo khalad.
3- Aragtideyda ku aadan beycada, waa ra;yiga Cabdullaahi Binu Cumar
RC oo uu yiri ” : Aniga waxaan ahay ruux Muslimiinta ka mid ah, hadday
beyco galaan waan galayaa”, waxaana qabaa inaysan beyco sharci ah dhici
karin illaa inta ay ka waafaqayaan Ahlul Xalliga wal caqdiga.
4-Taas kama dhigna inaan taageersaneyn "dowladda islaamiga ah” ee
waxaan ku taageersan nahay dagaalkeeda ka dhan ah cadowga diinta ee
isugu jira Raafidada, Munaafiqiinta iyo Murtaddiinta.
5- Waxa iga soo gaaray Sheekh Baqdaadi waa inuu u qalmo qaadista
amaanadaas, kumana ceebeynayo, waa nin Jihaad, nin Cilmi, iyo nin
ammaano, ee sababta lagu heysto waa la tashi la’aanta walaalihiisa uu
Jihaadka kala dhaxeeyo.
6- Kuma raacsani Dowladda dagaalka ay kula jirto Jamaacaatka
Muslimiinta iyo ku talax taggooda Takfiirinta, waxaana ugu baaqeynaa
inay ku dadaalaan isu keenidda kalimada, iyo la xiriiridda dhammaan
Jamaacaatka Jihaadiga ah ee Shaam ku sugan, waxaan sidoo kale Sheekh
Baqdaadi ugu baaqeynaa in Ciidankiisa uu amro inaysan ku dheeraan
masaa’isha Gaaleysiinta iyo duridda dadka Saabiqada u leh Jihaadka iyo
Culimada.
7- Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Jihaadka ee Khurraasaan, Ciraaq iyo
meelaha kaleba inay Alle ka baqaan oo aysan kala geyn kalimada
Muslimiinta, oo aysan murmin, kuna midoobaan kalimad mid ah, oo
sufuuftooda iyo raayadooda mideeyaan, ayna wada xiriiraan oo ay xaqqa
isu dar daarmaan iyo inuusan loolankooda noqon mid salka ku haya
aduunyadan liidata ee baaba’aysa, aduunyadu waa Daar liidata, Aakhiro
ayaa ah Daar lagu waarayo.
8-Qofkii Muslimiinta ka tirsan ee arka inuu la mubaayacoodo
Al-Baqdaadi taas waa Ijtihaadkiisa, kuma inkireyno, dowladda islaamiga
ah waxay leedahay awood iyo tamkiin usuura gelinaya inay qaaddo
culeyskaas weyn, waxaan Alle ka baryeynaa inuu guuleeyo, kagana gar
gaaro cadowgooda, waxaana ugu baaqeynaa kooxaha kale inay dowladda
daayaan si ay cadowga ula dagaalanto.
9- Waxaan dowladda ku leenahay : Haku qasbina Muslimiinta arrin
waasic ah, dadkana ugu yeera waddada rabbigiina si xikmad leh iyo waano
wanaagsan, hana dalbina beycada gacmaha, iyadoo aysan jirin beycada
qalbiga, ku mashquula dagaalka gaalka cadowga ah, taas ayaana mudan in
dadku ay idiinku taageeraan, markaas ayayna garan doonaan runtiina iyo
xaqiiqda arrinkiina.
10- Waxaan Kalimad u jeedinayaa Muslimiinta, waxaana leeyahay :
waxaa habboon inaad ku baraarugtaan dhagarta cadowga, Obama wuxuu
iclaamiyay in 500 oo malyuun oo Doollar ku taageerayo kooxaha qunyar
socodka ah ee Suuriya, maalinta ku xigtana waxaan aragnay dabaabaadka
qaar ka tirsan Jamaacaatkaas oo duqeynaya goobaha Mujaahidiinta joogaan
iyagoo difaacaya Nuseyriyada.
11- Dadka qaarkood waxay isweydiinayaan, waa ayo Ahlul Xalli Wal
Caqdi. Ahlul Xalli wal Caqdigu waa kuwa ay dadku ku kalsoonyihiin
Cilmigooda, Caqligooda, runtooda, iyo Naseexadooda, waa Umadda
hoggaankeeda iyo madaxdeeda, xilligii Madiina Ahlul Xalli Wal caqdiga
waxaa ahaa Ragga ugu waaweyn Saxaabada, kadibna waxaa noqday
taabiciinta, hogaamiyeyaasha Ciidamada, Culimada, hoggaanka Umadda, iyo
madaxda qabaa’ilka.
Aniga ra;yigeygana maanta waxaa Ahlul Xalli wal
caqdi ah Culimada Rabbaaniyiinta ah iyo madaxda Jabahaatka oo ay ugu
horreeyaan Al-Mulla Cumar, Sheekh Ayman AlDawaahiry iyo kuwa la midka
ah, qof insaan ahna ma rumeysan karo sida ay suurtagal u noqon karto in
lagu dhawaaqo beyco khilaafo ah, iyadoo aan lala tashan Culimadaas.
Mujaahidiinta ugu badan ee Afghanistan, Pakistan iyo Kishmiir waxay
raacsanyihiin Alumalla Cumar, inta badan Mujaahidiinta Jaziiratul Carab,
Maghrib, Soomaaliya iyo meel kalena waxay raacsanyihiin Sheekh Ayman
Al-Dawaahiri, wax suuragalayana ma aha in iyaga laga tallaabsado marka
lagu dhawaaqayo arrinkan oo kale.
Naseexo Sheekh Abuu Muxamed Al-Cadnaani
Sheekhu waxa uu sidoo kale kalimad yar oo naseexo ah u diray
Afhayeenka Dowladda islaamiga ah Sheekh Abuu Muxamed Al-Cadnaani,
wuxuuna yiri
"Horudhaca aad u sameysay Bayaankii "Khilaafada” waa mid aad u
wanaagsan, laakiin marka aad "khilaafada” iclaamisay kadib waxaa ku
hadashay ereyo ay habboonaan laheyd inaad iska dhaafto, khilaafadu waxay
ka tarjumeysaa isu soo dhaweyn iyo kalimad mideyn, ee ma aha hanjabaad,
gooddin iyo in la liido koox ama Jamaaco, waxaa kugu filnaan laheyd
inaad ku kaaftoonto Bayaanka Iclaaminta "Khilaafada” adigoo aan soo
hadal qaadin Jamaacaat, kooxo iyo hogaamiyeyaal, waxaa haboonaan laheyd
inaad "khilaafada” u iclaamisaan qaab jecleysiinaya dadka Muslimiinta
ah, isuna soo dhaweynayna, shey walba oo naxriis leh Miizaan ayuu
yeeshaa, Muslimiintuna waa kuwa dhexdooda isu naxriista, Allena wuxuu
faray Nabigiisa SCW inuu u jilicanaado asxaabtiisa.
Dadka islaamka ah marka lala hadlayo waxaa asal ah dhimrinta iyo
naxriista, Gaalada marka lala hadlayana waxaa asal ah : ad adeyg,
kakanaan, hanjabad iyo cagajugleyn "أشدّاء على الكفّار رحماء بينهم”
Is qaad qaadista marka hadalka la jeedinayo kuma habboona
Muslimiinta, ee waxaa loogu talo galay Gaalada أذلّة على المؤمنين أعزّة
على الكافرينsidaas darteed ma habboona in arrimahaas la isku khaldo,
Alle hanoo wada dembi dhaafo annaga iyo adinkaba.
Ugu dambeyntii wuxuu Sheekhu maqaalkiisa kusoo gaba gabeeyay :
"Riyada Khilaafada waa mid ay weligooda Muslimiintu ku taamayeen,
iyadoo dadkii umadda ugu kheyrka badnaa ay maalkooda iyo naftooda ku
bixiyeen u gogol xaaridda soo celinta khilaafada, ma garanayo Jamaaco
islaami ah oo loo dhisay wax aan hadafkaas aheyn, iclaaminta khilaafada
ma ahan wax sahlan sida ay dadka qaarkiisa u maleeyeen, dowladaha
gaalada waxay dareemeen khatartaas kusoo fool leh, waxey ilooween oo ay
meel iska dhigeen khilaafkii u dhaxeeyay Ruushka, Shiinaha iyo
Mareykanka, waxayna usoo wada jeesteen khatarta kusoo fool leh,
dhammaanteen waxaa niyaddeenna ku taagan soo noqoshada khilaafada,
waxaan Alle weydiinsanaynaa inuu arrintaas ku xaqiijiyo gacanta koox
mu’minad ah oo awood leh, taas oo karti u leh inay qaaddo culeyskaas,
laakiin arrinkaas weyn ee khatarta ah ma habboona in lagu dhaqaaqo
iyadoo aan lagu socon Qawaacid sharci ah oo saxan iyo iyadoo aan lala
tashan hoggaanka Umadda iyo dadka Ahlul Xalli Wal Caqdiga ah.
Halkan Ka Akhriso Maqaalka oo Luqadda Carabiga Ku qoran
Khilaafo Ku dhisan Manhajka Nabinimada.. WQ : Sheekh Xuseen Binu Maxamuud.
Sheekh Xuseen Binu Maxamuud oo ka mid ah Culimada Muslimiinta ee wax ku qora Muntadayaatka Jihaadiga ayaa tacliiqiiyay ku dhawaaqistii dowladda islaamiga ah ee ku aadaneyd inay dhistay "khilaafo islaami ah" iyo baaqii ay u jeediyeen dhammaa