Aadan Cige oo Gabay Ka tiriyay Gelintaankii John Kerry Ee Masjid Kuyaal Wadanka Jabuuti.

Tuesday May 12, 2015 - 12:28:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aadan Cige oo Gabay Ka tiriyay Gelintaankii John Kerry Ee Masjid Kuyaal Wadanka Jabuuti.

    Qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ayaa jawaab celinno kala duwan ka bixiyay xadgudubkii uu wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka kula kacay goobaha cibaadada muslimiinta ee wadanka Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ayaa jawaab celinno kala duwan ka bixiyay xadgudubkii uu wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka kula kacay goobaha cibaadada muslimiinta ee wadanka Jabuuti.

Abwaan Aadan Cige ayaa shabakadda SomaliMeMo soo gaarsiiyay gabay uu ku cabirayo dareenkiisa islaamnimo ee ku aaddan kasoo muuqashadii John Kerry ee Masjid kuyaal Jabuuti.

Hoos ka Akhri Gabeyga.

Nimankaas geyiga maamulee gadaya ciideena
Goboladda kuwaas jooga ee qaranki goo goostay
Galabtay dasheen buu kufrigu soo gardaadsadaye


Dibi geesa weyn iyo Wan buu gawracoo qalaye.


Waa niman goblamay uu qarbigu gacanta haystaaye
Geellaha Jabuutaa u daran gooshkan maanta’ahe
Guryihii Ilaahay lahaa Keeri baa galaye !!!!!.
Waa gedaha maantiyo dhulkii guul darrada taale.

Gabalaaxsey odaygii mar kale goobti shiikhyada’e
Sida caalim gaamuray warkaa looga gurayaaye
Gabdho iyo rag waa laba saf oo goonya yuurura’e
Gurboodkiyo dhallaanko cilmiga gole u waageertay
Geddiisoo kalay nala ahayd gaydhashiyo ceebe’e.

Waa niman galbaday ay xaqii kala gadoomeene
Giniyay ka qaataan kuwii gubey dhulkeeniiye
Waa niman gabraartoo ka tegey gob iyo xaalkeede
Gacan yariyo waa wada basaas gabay dadkoodiiye !
Garan-goori iyo waa abees ganay jidhkeeniiye


Shacabkay gumaadaan sidii gaajo Weer qaba’e
Geellaha Jabuutaa u daran gooshkan maanta’ahe
Guryihii Ilaahay lahaa Keeri baa galaye !!!
Waa gedaha maantiyo dhulkii guul darrada taale!.

Muslimiinta waa gaasiraan ama gumeeyaane
God madow ayey seexiyaan gebiyo hoostoode
Gaalleef Afweyn iyo Warmay gawda ku hayaane
Shiikhay garaacaan ba waa loo abaal gudiye


Gunno waxay helaan maalintay gacalka dooxaane !
Gogol bay u daadshaan markii gaalku soo dego’e
Gacaltooyo waxay raadiyaan Goordan iyo Buushe
Roogii guduudnaa ayey gabax ka siiyaane
Geellaha Jabuutaa u daran gooshkan maanta’ahe
Guryihii Ilaahay lahaa Keeri baa galaye !!!
Waa gedaha maantiyo dhulkii guul darrada taale.

Way daba gucleeyaan marku Keeri gaardiyo'e
Garmaamadiyo jeeraaraday goonya cararaaane
Gondahay ka leefaan sidii gacalo hooyaade
Geellaha Jabuutaa u daran gooshkan maanta’ ahe
Guryihii Ilaahay lahaa Keeri baa galaye !!!!!
Waa gedaha maantiyo dhulkii guul darrada taale.

W/T: Adan Cige Cali "Abu Muhsin”


Related Items