Xagalay "Dimuquraadiyaddu Soomaaliya Kama Hirgeleyso Ciidamada Shisheeye La'aantood" Dhageyso.

Sunday May 17, 2015 - 10:16:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 35
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Xagalay "Dimuquraadiyaddu Soomaaliya Kama Hirgeleyso Ciidamada Shisheeye La'aantood" Dhageyso.

    Siyaasiga Cabdulaahi Cali Xagaley oo xalay ay wareysatay idaacadda islaamig aah ee alfurqanb ayaa sheegay in dadka soomaaliyeed lagu qasbayo waxa loogu yeero dimuquraadiyadda oo aanay rabin raalina ka ahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cabdulaahi Cali Xagaley oo xalay ay wareysatay idaacadda islaamig aah ee alfurqanb ayaa sheegay in dadka soomaaliyeed lagu qasbayo waxa loogu yeero dimuquraadiyadda oo aanay rabin raalina ka ahayn.



Wuxuu tilmaamay in askarta shisheeye ee dalka joogtaa yihiin cidda loogu tala galay in ay dhaqan geliso haddii meesha ay ka baxaanna aanay hir gelineynin.

Xagaley wuxuu tilmaamay in aan la dooneyn ciidan soomaaliyeed oo awood leh laan wareega howsha hadda shisheeyuhu hayaan maxaa yeelay buu yiri ciidan soomaaliyeed madaxda soomaalida ah iyo shisheeyaha soo duulay midkoodna ma aaminayo.

Wuxuu intaas ku daray in xasan sheekh maxamuud warkiisa ah in ciidan qaran la dhisayo uu cadeyn u yahay in aan horay ciidamo qaran u jirin ee ay ahaayeen kuwa beelo gooni ah leeyihiin.



Wuxuu sheegay in aan xasan sheekh dooneyn in ciidamo qaran dhismaan maxaa yeelay buu yiri asiga ayaa horay u sheegay in aanay dhisme ciidan qaran u baahnayn


Related Items