Daawo:Maleeshiyaada Shiicada Oo Dhaxdooda Ku Dagaalamay Magaalada Karbalaa.

Thursday July 03, 2014 - 09:42:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Maleeshiyaada Shiicada Oo Dhaxdooda Ku Dagaalamay Magaalada Karbalaa.

    Maleeshiyaadka shiicada Rawaafidda Ciraaq ayaa bilaabay in dhaxdooda ay dagaalamayaan kadib markii ay ku jabeen dagaalka ka dhanka ah muslimiinta sunniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka shiicada Rawaafidda Ciraaq ayaa bilaabay in dhaxdooda ay dagaalamayaan kadib markii ay ku jabeen dagaalka ka dhanka ah muslimiinta sunniga ah.



Magaalada Karbalaa ee dhacda Koonfurta Ciraaq ayaa lagasoo sheegayaa in ay ka dhaceen dagaallo saacado badan qaatay saameyna ku reebay dadka deegaanka.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalka ay ka qeyb gelayeen diyaaradaha dagaalka xukuumadda almaaliki iyagoona burbur ugeystay xarumo uu lahaa shiiciga lagu magacaabo sarkhi alxusni.

Ciidamada Almaaliki ee weerarka qaaday ayaa ka carooday amar diido ay ku dhaqaaqeen shiicada Karbalaa oo ah in ay ka qeyb galaan dagaalka lagula jiro muslimiinta sunniga ah.



Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhimashada dadka shiicada ah ay gaartay 47 qof walina waxaa taagan xiisada colaadeed,hoggaamiyaasha shiicada Karbamaa waay diidanyihiin fatwada uu soo saaray Siistaani ee ku baaqeysa in dagaal lala galo dowladda islaamiga ah iyo Muslimiinta sunniga ah.

Hoos Ka Daawo dagaalka ka dhacay Karbalaa

Related Items