Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Xildhibaan Muqdisho Lagu Dilay Hanjabaad Culusna dirtay.

Thursday July 03, 2014 - 11:51:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Xildhibaan Muqdisho Lagu Dilay Hanjabaad Culusna dirtay.

    Weerar maanta barqadii ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho oo lagu dilay xildhibaan dowladda Federaalka katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore Fadhiga Baarlamaanka Muqdisho
Weerar maanta barqadii ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho oo lagu dilay xildhibaan dowladda Federaalka katirsan.

Afhayeen u hadlay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in ciidankooda gaarka ah ee ka Howlgala magaalada Muqdisho ay weerarkaasi geysteen.

"Ciidanka mujaahidiinta ayaa Muqdisho ku khaarijiyay Xildhibaan dawaaqiidda murtadiinta katirsan mid kalane dhaawacay ilaah baa ku mahadsan howlgalladuna way sii socan doonaanā€¯ayuu yiri afhayeen Shabaab katirsan oo warbaahinta lahadlay.

Xarakada Al Shabaab waxay ku hanjabtay in ay sii wadi doonto beegsiga cid walba oo katirsan dowladda Federaalka min askar sarkaal illaa Mas'uul.


Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Al Shabaab iyo Sheekh Cali Jabal ayaa labaduba bilaawgii isbuucan ku goodiyay in Muqdisho ay ku dili doonaan shisheeyaha iyo saraakiisha DF-ka halka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muungaab ay iyana iclaamiyeen Xamlo lagu sugayo ammaanka Caasimadda oo loogu magac daray "Nabad Ku Afur".

Al Shabaab oo ah xarakado Jihaadi ah ayaa Soomaaliya kula dagaalamaysa ciidamo Afrikaan Calooshood ushaqeystayaal ah oo ka socda inkabadan 6 dowladood kuwaasi oo wakiillo ka ah Mareykanka iyo wadamada Midowga Yurub.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items