Ciidamada Muslimiinta Oo Dagaal La'aan Lawareegay Sedax Deegaan oo Sh/Hoose Katirsan

Thursday July 03, 2014 - 18:00:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Muslimiinta Oo Dagaal La'aan Lawareegay Sedax Deegaan oo Sh/Hoose Katirsan

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya isbedello dhanka maamulka ah ay ka jiraan deegaanno gobolkaasi katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya isbedello dhanka maamulka ah ay ka jiraan deegaanno gobolkaasi katirsan.

Ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga shabeelaha hoose ayaa dagaal la’aan la wareegeen deegaanno kaabiga ku haya Buurhakaba ee Bay iyo Leeg,ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ciidamada muslimiinta ay saldhigyo ka sameysteen deegaanada kala ah Jiira-kuuloow,Qardho iyo Jamaaco.

Maleeshiyaad taabacsan Dowladda Federaalka oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa wadada laamiga ah ee xiriirisaBalidoogle iyo Buurhakaba ayaa deegaanadaasi isaga baxay,boqolaal katirsan ciidamada jabhadaha shabaabul mujaahidiin ayaa ku baxay wadada laamiga ah kadibna maleeshiyaadkii isbaaralayda ahaa ayaa dhanka Leego u baxsaday sida ay sheegayaan dadka deegaanka.


Taliyaha ciidanka DF-ka ee Leego ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadoodu ay kasoo baxeen sedax deegaan wuxuuna arrinkaasi ku macneeyay xeelad dagaal iyo gurmad ay ka waayeen ciidamada AMISOM ee Leego.

Dad socota ah oo kusoo safray wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa sheegay in ay arkayeen ciidamo shabaabul Mujaahidiin katirsan oo gaadiidka shacabka baaraya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items