Warar Dheeraad Ah:25 Askari oo Lagu Dilay Weerar Ay Ciidamada Al Shabaab ku Qaadeen Degmada Awdheegle iyo Deegaanka Mubaarak Ee Sh/Hoose.

Saturday May 23, 2015 - 08:59:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Warar Dheeraad Ah:25 Askari oo Lagu Dilay Weerar Ay Ciidamada Al Shabaab ku Qaadeen Degmada Awdheegle iyo Deegaanka Mubaarak Ee Sh/Hoose.

    Kadib dagaallo culus oo saaka aroortii ka dhacay gobolka shabeelaha Hoose ayay ciidamada mujaahidiinta ugu suurtagashay in ay qabsadaan degmooyinka mubaarak iyo Awdheegle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaallo culus oo saaka aroortii ka dhacay gobolka shabeelaha Hoose ayay ciidamada mujaahidiinta ugu suurtagashay in ay qabsadaan degmooyinka mubaarak iyo Awdheegle.


Wararka ka imaanaya shabeelaha Hoose ayaa xaqiijinaya in 17 katirsan ciidamada DF-ka lagu dilay weerar gaadma ah oo ka dhacay deegaanka Mubaarak halka 7 askari lagu dilay dagaalka Awdheegle.

Saraakiisha ciidanka shabaabul Mujaahidiin ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu Howlgallo guuleystay ay ka fuliyeen shabeelaha Hoose balse faah faahinta ay dib kasoo sheegi doonaan.



Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa SomaliMeMo u sheegay in dhimashada ciidanka DF-ka ay gaartay 25 askari halka tobaneeyo kale ay ku daateen wabiga shabelle,dagaalyahanada Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigay teendhooyin saad ciidan ay ku heysteen maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee gumeystaha la shaqeeya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidan dhaawacyo iyo dhimasho ah lagu arkay beeraha aseendooyinka ah ee duleedka degmada Awdheegle,khasaaraha ugu xooggan wuxuu ka dhashay dagaalka deegaanka Mubaarak ka dhacay,ciidamada oo xalay ku dhafray cunista maandooriyaha khaatka ayaa iyagoo hurdaya saaka aroortii hore lagummaaday sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wixii ka dhacay Awdheegle iyo Mubaarak ayaa ka khasaara badnaa weerarkii dhacay toban maalmood ka hor.

Tani waxay banaanka soo dhigaysaa in maleeshiyaadka DF-ka aysan ubabac dhigi karin awoodda islaamiga marka laga reebo in ay ku tiirsanyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Afrikaanta AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items