Saraakiil katirsanaa Wasaaradda Gaadiidka DF-ka oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Saturday May 23, 2015 - 13:46:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil katirsanaa Wasaaradda Gaadiidka DF-ka oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

    Weerar qorshaysan oo markale ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay mas'uuliyiin katirsanaa dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar qorshaysan oo markale ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay mas'uuliyiin katirsanaa dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

Maanta barqadii ayay xoogag hubeysan oo loo malaynayo in ay katirsanyihin xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay degmada Wadajir ku dileen saraakiil u shaqeynayay wasaaradda gaadiidka DF-ka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xoogaga hubeysan ay gaari ku hor joogeen gaariga ay wateen saraakiisha ladilay,wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelyo ah goobta uga dhaqaaqeen manajirin wax katirsan ciidamada booliska oo isku dayay in ay dabagal ku sameeyaan xoogaga dilka gaystay.


Dilalka ka dhanka ah saraakiisha maamulka Xasan Sheekh ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay degmooyinka gobolka Banaadir waxaana inta badan weeraradaasi fuliya  ciidamo gaar ah oo taabacsan xarakada shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items