Xildhibaan Katirsanaa DF-ka oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

Saturday May 23, 2015 - 16:50:19 in Wararka by
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 46
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Katirsanaa DF-ka oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday wadada Makka Al Mukaramah oo halbowle u ah isku socodka gaadiidka mas'uuliyiinta dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday wadada Makka Al Mukaramah oo halbowle u ah isku socodka gaadiidka mas'uuliyiinta dowladda Federaalka.

Maanta gelinkii dambe ayay Xoogag hubeysan rasaas ku fureen gaari ay la socdeen xildhibaanno katirsan baarlamaanka DF-ka,goob joogayaal ayaa SomaliMeMo u sheegay in gaari nuuca raaxada ah  laga dhax toogtay gaariga xildhibaanada waxaana halkaasi ku dhaawacmay wasiirkii hore ee difaaca DF-ka Cabdalla Boos Axmed iyadoona uu dhintay xildhibaan Yuusuf Dirir.

Sarkaal u hadlay xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo lahadlay Idaacadda Andalus ayaa sheegay in ciidankooda sida gaarka ah u tababaran ay mas'uul ka ahaayeen weerarka lagu qaaday xildhibaanada.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaan  Cabdalla Boos isagoo dhaawac halis ah gaaray  loola cararay isbitaal kuyaal gudaha magaalada Muqdisho,shabaabul Mujaahidiin ayaa ku hanjabtay in ay dili doonto xildhibaanada baarlamaanka DF-ka oo ay ku tilmaantay "Murtadiin"  sharci gacan ku sameys ah ku bedelay sharciga Alle.

Lasoco wixii soo kordha

Related Items