Sacuudiga Oo Kumanaan Askari Udiray Xadka Uu Lawadaago Ciraaq Kadib Markii ay Ku Dhawaadeen Xoogag Islaami Ah.

Thursday July 03, 2014 - 18:00:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga Oo Kumanaan Askari Udiray Xadka Uu Lawadaago Ciraaq Kadib Markii ay Ku Dhawaadeen Xoogag Islaami Ah.

    Kumanaan katirsan ciidamada melleteriga xukuumadda Aala Sacuud ayaa lagu daadgureeyay xadbeenaadka ay wadaagaan Sacuudiga iyo Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan ciidamada melleteriga xukuumadda Aala Sacuud ayaa lagu daadgureeyay xadbeenaadka ay wadaagaan Sacuudiga iyo Ciraaq.
Wararka ka imaanaya Ciraaq ayaa sheegaya in ciidamada xukuumadda Shiicada Al Maaliki ay isaga baxeen koontaroolka dhanka xadka sacuudiga tallaabadaasi oo cabsi ku abuurtay sacuudiga.

War rasmi ah oo kasoo baxay Boqorka Sacuudiga ayaa lagu baahiyay telefeshinka Alcarabiya waxaana amar buuxa lagusiiyay ciidanka ilaalada xuduudaha Sacuudiga in ay adkeeyaan ammaanka dhanka xadka Ciraaq.

Ilo wareedyo ay soo xiganayso wakaaladda wararka AP ayaa sheegayay in xoogag katirsan dowlada islaamiga ah ay kulaalayaan xadka Sacuudiga islamarkaana laga cabsi qabo in ay gudaha sacuudiga u raraan dagaalkooda.


Mujaahidiinta dowladda islaamiga ayaa bishii lasoo dhaafay qabsaday magaalooyin badan oo katirsan wadanka Ciraaq,Boqor Cabdallaha Sacuudiga ayaa dhawaan yeeriyay Seeriga digniinta dhanka mujaahidiinta ah isagoona casilay wasiir ku xigeenkii gaashandhigga.

Dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan ayay kumanaan mujaahidiin ah oo kasoo jeeda ka qeyb qaadanayaan dagaallada suuriya iyo Ciraaq iyagoo jamaacaadka jihaadiga kabarbar dagaalamaya.


Ridwaad Yare

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items