Hoggaamiyaha Mucaaradka Burundi oo Bujambura Lagu Toogtay iyo Kacdoonka Shacbiga oo sii xoogeystay.

Sunday May 24, 2015 - 10:50:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 35
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Mucaaradka Burundi oo Bujambura Lagu Toogtay iyo Kacdoonka Shacbiga oo sii xoogeystay.

    Khalalaasaha dhanka siyaasadda ayaa wali kasii socda wadanka Burundi oo kamid ah wadamada ciidamadiisu duullaanka kusoo qaadeen dalka muslimka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khalalaasaha dhanka siyaasadda ayaa wali kasii socda wadanka Burundi oo kamid ah wadamada ciidamadiisu duullaanka kusoo qaadeen dalka muslimka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya magaalada Bujambura ee caasimadda u ah Burundi ayaa sheegaya in ciidamada melleteriga ee taageersan madaxweynaha wadankaasi ay toogteen hoggaamiyihii mucaaradka.

Zedi Feruzi oo hoggaaminayay shacabka kacdoonka Burundi ayaa lagu toogtay afaafka hore ee fagaaraha weyn ee Bujambura,goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamo madaxtooyada lagasoo diray ay toogashada geysteen.


Boqolaal qof ayaa isugusoo baxay goobta lagu dilay Zedi Feruzi waxayna dadku ku qeylinayeen erayo ka dhan ah madaxweynaha Burundi ee diidan in uu xilka madaxtinimada wareejiyo.

Kacdoonka shacbiga wadanka Burundi ayaa lafilayaa in uu marxalad cusub galo inkastoo uu fashilmay inqilaabkii melleteri ee bishii lasoo dhaafay ka dhacay wadnakaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items