Weerar Khasaara Lagu Gaarsiiyay Ciidanka Itoobiya oo Ka Dhacay Gobolka Bay.

Monday May 25, 2015 - 15:46:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Lagu Gaarsiiyay Ciidanka Itoobiya oo Ka Dhacay Gobolka Bay.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada xabashida Itoobiya kasoo gaaray dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydadka ciidamo Itoobiyaan ah oo sanaddii lasoo dhaafay lagusoo Bandhigay Galguduud
Khasaara xooggan ayaa ciidamada xabashida Itoobiya kasoo gaaray dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah oo ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab u dhigeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah uu khasaara dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaaray.

Wariye Ibraahim Isxaaq oo Bay ku sugan ayaa soo sheegay in ciidanka Itoobiya gaadiid looga gubay weerar dhabagal ah oo ka dhacay halka loo yaqaan Jiira Mad-sheekh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen,intabadan deegaanada ciidamada gumeysiga Itoobiya ka joogaan Bay iyo Bakool waxaa ka dhaca weeraro lagu dhiig bixinayo soo duulayaasha.

Related Items