Faah Faahin:Koox Jawaasiis Ah oo Lagu Dilay Degmada Diinsoor Dhageyso.

Monday May 25, 2015 - 18:24:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Koox Jawaasiis Ah oo Lagu Dilay Degmada Diinsoor Dhageyso.

    Fagaara kuyaal degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa lagu dilay Rag jawaasiis ah oo gacanta lagusoo dhigay iyagoo ubasaasaya dhinacyo cadaw hsisheeye ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaara kuyaal degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa lagu dilay Rag jawaasiis ah oo gacanta lagusoo dhigay iyagoo ubasaasaya dhinacyo cadaw hsisheeye ah.

Wararka ka imaanaya Diinsoor ayaa xaqiijinaya in maxkamadda islaamiga wilaayada Bay iyo Bakool ay xukun dil ah ku ridday illaa iyo 4 qof oo lagusoo eedeeyay in ay falal basaasnimo ah ku guda jireen.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga oo xukunka goobta fagaaraha ah ka akhriyay ayaa sheegay in ragga jawaasiista ah ay ukala shaqeynayeen Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa iyo dowladda Kenya ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaadday Soomaaliya.


Magacyada Jawaasiista ladilay iyo dhinacyada ay u shaqeynayeen.

1-Cali Muuse Cali  oo 26 sana Jir ahaa wuxuu u Jaajuusayay Ashahaadda ladirirka Dowladda Federaalka ee shisheeye kalkaalka ah.

2-Xasan Cadaawe Muxamed  oo 24 sana Jir  ahaa wuxuu  U Jaajuusayay Ashahaadda ladirirka Dowladda Federaalk ee shisheeye kalkaalka ah.

3-Cukaasha Cali Xaaji 39 sana Jir ahaa Wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Dowladda  Gumeysiga Kenya e Soomaaliya kusoo duushay.

4-Muxamed Nuur Cali Sooyaal 40  sana Jir ahaa wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Gumeysiga Kenya ee Soomaaliya kusoo duushay.

Halkan ka dhageyso Waaliga Bay iyo Bakool MP3
Halkan ka dhageyso Qaadiga Maxkamadda MP3

Related Items