Ciidamada Mujaahidiinta oo la Wareegay Deegaanno Muhiim ah oo Sh/Hoose Katirsan.

Tuesday May 26, 2015 - 09:03:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta oo la Wareegay Deegaanno Muhiim ah oo Sh/Hoose Katirsan.

    Ciidamo katirsan mujaahidiinta Soomaaliya ayaa isku fidiyay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan mujaahidiinta Soomaaliya ayaa isku fidiyay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Saacadihii lasoo dhaafay ayay ciidamada mujaahidiintu qabsadeen degmada Janaale iyo dhowr tuulo oo hoos yimaad degmooyinka Awdheegle iyo Qoryooleey.

Wararka shabeelaha hoose ka imaanaya ayaa xaqiijinaya in ay burburiyeen maleeshiyaadkii DF-ka katirsanaa ee ka hoos shaqeyn jiray ciidamada shisheeyaha AMISOM ee shabeelaha Hoose ku sugnaa.

Saxafi ku sugan gobolka ayaa SomaliMeMo u sheegay in maleeshiyaadka DF-ka ay isaga firxanayaan deegaanada ka fog saldhigyada AMISOM marka ay maqlaan in mujaahidiintu kusoo wajahanyihiin.


Weerar Jumcihii lasoo dhaafay ka dhacay Awdheegle iyo Mubaarak oo lagu dilay 40 askari oo DF-ka katirsanaa ayaa cabsi iyo baqa carar ku reebay waxa loogu yeero "Ciidanka dowladda Federaalkaā€¯.

Al Shabaab ayaa umuuqata mid dib uqabsanaysa dhulkii ay sanado ka hor ka qabsadeen ciidamada shisheeyaha AMISOM isku magacaabay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items