Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Laayay Ciidamo Kenyaan Ah Digniin culusna dirtay.

Tuesday May 26, 2015 - 09:18:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 36
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Laayay Ciidamo Kenyaan Ah Digniin culusna dirtay.

    War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in ciidamadooda gaarka ah ay weeraro qorshaysan ku qaadeen gudaha dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in ciidamadooda gaarka ah ay weeraro qorshaysan ku qaadeen gudaha dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada shabaabul Mujaahidiin ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus ee afka xarakada ku hadasha u  sheegay in ay dileen 20 katirsan ciidanka booliska Kenya islamarkaana ay gubeen 5 kamid ah gaadiidka dagaalka oo ciidanka lalaayay ay wateen.

"ciidamada Mujaahidiintu weerar guulaystay ayay ku qaadeen ciidamada saliibiyiinta Kenya khasaaraha dhimashada wuxuu ka badanyahay 20 askari halka 5 gaari oo gaaladu wateen lagubay”ayuu yiri Sh.Abuu Muscab.


Al Shabaab waxay sheegtay in khasaaraha Kenyaatiga gaaray uu sii kordhi karo balse faah faahinta rasmiga ah ee weerarka Yumbis ay dib kasoo sheegi doonaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items