Taliban oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ku Qaaday Magaalada Qandahaar Ee Wadanka Afghanistan.

Tuesday May 26, 2015 - 18:09:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 45
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ku Qaaday Magaalada Qandahaar Ee Wadanka Afghanistan.

    Xoogaga mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa guluf dagaaleed hor leh ku qaaday saldhigyo ay ciidamada xukuumadda dabadhilifka ku leeyihiin magaalada 2-aad ee wadankaasi ugu weyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa guluf dagaaleed hor leh ku qaaday saldhigyo ay ciidamada xukuumadda dabadhilifka ku leeyihiin magaalada 2-aad ee wadankaasi ugu weyn.

Wararka ka imaanaya Koonfurta Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Taliban ay xoog ku galeen dhismayaal muhiim ah oo magaalada Qandahaar kuyaal kuwaasi oo ay degganyihiin saraakiisha ciidanka booliska iyo mas’uuliyiin kale.

Weerarka oo xalay saqdii dhexe bilaawday ayaa soo gaaray maanta duhurkii,ugu yaraan 20 askari oo ciidanka booliska katirsan ayaa weerarka lagu dilay sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay maamulka Qandahaar.


Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah mas’uulka warfaafinta ee xarakada Talibaan ayaa xaqiijiyay in ciidankoodu ay duullaan ku qaadeen dhismayaasha cadawga ee Qandahaar.

Intabadan gobollada Afghanistan waxaa ka socda xamlad dagaaleed ay mujaahidiintu ku doonayaan in ay ku qabsadaan gobollada wadanka oo intiisa badan ay ka baxeen ciidamada shisheeyaha NATO.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items