Dad Shacab ah oo Lagu Dilay Iska Hor'imaad Ka Dhacay Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho.

Wednesday May 27, 2015 - 18:07:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Shacab ah oo Lagu Dilay Iska Hor'imaad Ka Dhacay Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho.

    Iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaad kawada tirsan dowlada Federaalka ku dhaxmaray xaafado katirsan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaad kawada tirsan dowlada Federaalka ku dhaxmaray xaafado katirsan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Maanta barqadii ayay ciidamo hubeysan oo ka socday maamulka gobolka Banaadir waxay isku dayeen in ay burburiyaan guryo kuyaal xaafadda Sonakay ee degmada Hodon.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaad kale oo magaca DF-ka wata balse qaab beeleed u abaabulan ay weerar kala hortageen ciidamada doonayay in ay barakiciyaan dadka deegaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in sedax qof shacab ah ay ku dhinteen iska hor’imaadka halka 5 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay dhaawacyo gaareen.

is qabqabsiga ku aaddan lahaashiyaha guryaha ayaa bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyadoona saraakiisha DF-ka lagu eedeeyay in ay boobaan dhul dad shacab ay leeyahay.

Related Items