Ku Dhawaad 80 qof oo lagu dilay Dagaal Ka Dhacay Deegaan Katirsan Gobolka Galguduud.

Wednesday May 27, 2015 - 19:42:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 80 qof oo lagu dilay Dagaal Ka Dhacay Deegaan Katirsan Gobolka Galguduud.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo khasaara badan dhaliyay ay ka dhaceen deegaanno kaabiga ku haya xadbeenaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo khasaara badan dhaliyay ay ka dhaceen deegaanno kaabiga ku haya xadbeenaadka.

Ku dhawaad 80 qof ayaa lagu dilay deegaanka laba Baar ee kaabiga ku haya dhulka Somaligalbeed ee xabashida Itoobiya gumeysato balse katirsan gobolka Galguduud.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed hubeysan ay dagaal saacado badan qaatay lagaleen ciidamo katirsan gumeysiga Itoobiya kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay qafaal iyo dilal kula kacayay dadka deegaanka.

Mid kamida beelaha dega gobolka Galguduud ayaa maanta barqadii weeraro rogaal celis ah ku qaadday saldhigyo ay ciidanka Liyu Booliska ka sameysteen laba baar.


Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in 75 katirsan dhinacyadii dagaalmay oo ubadan ciidanka Itoobiya lagu dilay dagaalkii maanta,gurmad xooggan oo ka baxay degmada Guriceel ayaa gaaray jiidda dagaalka taasi ayaana sababtay in dirirtu xoogaysato islamarkaana ciidanka Itoobiya khasaara lixaad leh gaaro.

Isbitaalka degmada  Guriceel ayaa ladhigay dhaawacyo farabadan oo kusoo waxyeeloobay dagaalka lababaar ka socda,wararka ayaa intaasi ku daraya in caawa maqribkii xabaddu joogsatay iyadoona maleeshiyaadka Liyu Booliska ay gurmadyo kala duwan ka heleen dhulka gumeysiga kujira ee Somaligalbeed "Killi5".

Lasoco wixii soo kordha

Related Items