Dhageyso: Xasan Turki oo Geeriyooday Iyo Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay.

Thursday May 28, 2015 - 15:42:49 in Wararka by
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 35
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Xasan Turki oo Geeriyooday Iyo Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay.

    Allaha unaxariistee waxaa xalay geeriyooday sheekha caalimka mujaahidka ah Sheekh Xasan C/llaahi Xiris (Xasan Turki) oo kamid ahaa culimada soomaaliyeed ee caanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha unaxariistee waxaa xalay geeriyooday sheekha caalimka mujaahidka ah Sheekh Xasan C/llaahi Xiris (Xasan Turki) oo kamid ahaa culimada soomaaliyeed ee caanka ah.

Bayaan kasoo baxay xarakada shabaabul Mujaahidiin oo ku saabsan geerida Sheekh Xasan Turki ayaa lagasii daayay idaacadda Islaamiga Andalus waxaana akhriyay Sheekh Cali Dheere Afhayeenka xarakada Al Shabaab.

Sheekh Xasan Turki ayaa ku dhintay deegaanka Hargeysa Yareey ee duleedka magaalada Jilib halkaasi oo sanadadii lasoo dhaafay uu deganaa,sheekha Caalimka Mujaahidka ah ayaa ahaa 73 jir wuxuu ku dhashay degmada Qabri daharre dhulka soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato sanaddii 1943.


Sheekha ayaa caan ku ahaa jihaadka iyo difaaca diinka iyo dalka isagoo lixdameeyadii ka qeybgalay dagaalkii dhaxmaray xabashida Itoobiya iyo soomaaliya kadib markii ay kusoo duushay qeybo ka mid ah dhulka soomaalida.

Allaha unaxariistii sheikh Xasan Turki ayaa magaalada Muqdisho ku qaatay waxbarashada aas-aasiga ah kadibna wuxuuna u wareegay dhanka dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan halkaasi oo uu marxaladda jaamacadeed kusoo dhammaystay.

Sheekh Xasan Turki ayaa ka qeybgalay Jihaadkii Afghanistan halkaasi oo uu laba jeer kulasoo kulmay Sheekh Osama Bin Laden Amiirkii mujaahidiinta Al Qaacidda,wuxuu caan ka ahaa mucaskaraatka tababarrada mujaahidiinta ee dhulka Afghanistan.

Sheekha ayaa sagaashameeyadii u safray wadanka Suudaan halkaasi ayuu kulamo kula qaatay Sheekh Osama Bin laden waqtigii uu dalka Suudaan ku sugnaa,duullaankii ay dowladaha shisheeye kusoo qaadeen soomaaliya billaawgii sagaashameeyadii (UNISOM),dagaalkii lala galay ciidanka Mareykanka ayuu sheikh Xasan Turki kaalin wayn kulahaa isagoo mujaahidiin muhaajiriin ah ka qeyb geliyay dagaalkaasi.

Taariikhda dahabiga ah ee sheikh Xasan waxaa ka mid mucaskarkii caanbaxay ee Kaambooni kaasi oo soo saaray kumanaan dhalinyaro muhaajiriin ah oo la ogyahay kaalintii ay ku lahaayeen ladagaalankii xabashida Itoobiya,raggii kasoo baxay mucaskarka Kaambooni ayaa hoggaaminaya jihaadka wali ka socda dalka soomaaliya halka kuwa kale ay shahiideen.

Allaha unaxariistee Sheekh Xasan Turki oo ahaa caalim mujaahid ah wuxuu cara geliyay cadawga islaamka gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub oo sheekha ku daray liiska waxa loogu yeero Argagaxisada iyagoona ciddii soo dishay sheekha uballan qaaday lacago malaayiin dollar ah.

Sheekh Xasan ayaa dadaal dheer ugalay middeynta sufuufta mujaahidiinta waxaana la xusuustaa midayntii Jamaacada Raas-Kaambooni iyo xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Halkan ka dhageyso Sh.Cali dheere MP3

Related Items