Faah Faahin:Dagaallo Ciidamada AMISOM Khasaara Lagu Gaarsiiyay oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay Sh/dhexe.

Thursday May 28, 2015 - 21:47:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Dagaallo Ciidamada AMISOM Khasaara Lagu Gaarsiiyay oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay Sh/dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo gobolka shabeelaha dhexe ku dhaxmaray ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin iyo shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo gobolka shabeelaha dhexe ku dhaxmaray ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin iyo shisheeyaha AMISOM.

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegaya in dagaallo saacado badan qaatay ay maanta barqadii ka dhaceen dhulka Howdka ah ee Ciid-Ciidka oo qiyaastii 3 KM dhanka waqooyi uga beegan degmada Mahadaay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay wadada ugaleen kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM oo isku dayay in ay saad gaarsiiyaan ciidamada kale ee ku sugan degmada Jalalaqsi.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laba katirsan gaadiidka AMISOM oo mid kamida ahaa gaari Taaw ah lagugubay dagaalka,wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka huwanta ah ay dib ugu laabteen degmada Mahadaay iyagoona duqeeyay xaafado katirsan degmadaasi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items